Kooxda Liverpool oo ku dur durisay kooxda Marti eheyt ee Man City

Kooxda Liverpool ayaa kufsi weyn u geesatay Man city kadib markii ee ugu adkaatay 3 iyo 1 Man city ee ee ka maqnaayeen Cayaaryahano muhiim ah ayaa waxa ee la kulantay Guul daro xanuun ah

Macalinka City aad  ayuu ugu niyad jabay qaabka ee kooxdiisay u Cayaartay Liverpool ayaa daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta akoonka goolasha kulanka furatay kadib markii Fabinho uu shabaqa gaaray, balse goolka wuxuu yimid 20-ilbiriqsi kadib markii Arnold uu kubad gacanta ku taabtay isagoo ku sugan xerada ganaaxa, balse lama dhageysan cabashadii ay ciyaartoyda Man City u gudbiyeen garsoorka.

Aaladda VAR ayaa lagu hubiyay dhacdada, dhawr jeer oo muuqaalada la daawaday, waxaa soo baxday in la ansixiyo goolka, waxeyna lama filaan iyo wax aan la aamini karin ku noqotay xiddigaha iyo shaqaalaha tababarka Citizens.

Premier League ayaa ciyaarta kadib sharraxay sababta aan Man City rigoore loogu abaalmarin, waaana la sheegay in kubadda marka hore ku dhacday gacanta Bernardo Silva ka hor inta aysan gaarin gacanta TAA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*