BALCAD.NET-Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay…

Balcad.net-15-December-2019-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in ay bisha soo socoto ee Maarso guddigeedu ka guurayaan Madaxtooyada Soomaaliya,halkaasi oo uu ku yaalo Xafiiskooda ugu weyn.

Guddoomiye Xaliimo Yareey ayaa sheegtay iney bilaabatay dhismaha xaruntooda cusub oo laga wado banaanka Madaxtooyada ee Villa Somalia laguna soo gabagabeynayo bilaha Juun iyo Agoosto,islamarkaana xubnaha ugu horeeyo ee guddigooda ay guurayaan bisha Maarso ee soo socoto.

” Waxaan idin kaga farxinayaa hadduu Illaah yiraahdo Bisha Maarso,raacdeena ugu horeyso iney ka guureyso Madaxtooyada oo xarunteenii dhismaheeda ay bilaabatay Juun iyo Agoostana ay soo gaba-gaboobeyso,inteena kalena aan tageyno oo aan ka guureyno,” ayay tiri Xaliimo Yareey xilli ay khudbad ka jeedineysay Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yareey ayaa sheegay iney dagaal adag u soo galeen sidii ay kaga guuri lahaayeen Madaxtooyada Soomaaliya oo ay dhexda uga dhaceen Xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Waxayna sidoo kale, sheegtay iney daacad ka tahay howsha ay ummadda Soomaaliyeed u heyso oo aysan jirin cid ay u xaglineysa,iyadoo lagu eedeeyay iney ka shidaal qaadaneyso Madaxtooyada Soomaaliya.

Xubnaha mucaaradka ku ah Dowladda ayaa marar badan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ku eedeeyay iney jeebka ugu jiraan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,islamarkaana ku dhex milmeen siyaasaddii la isku heystay.