BALCAD.NET-XOG: Beesha Caalamka Oo Madaxweyne Farmaajo Ku Cadaadineysa Wada Hadalada Somaliland

Balcad.net-15-December-2019-Xubnaha Beesha caalamka u jooga magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku cadaadisay inuu dardar geliyo wada hadalada dhab u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo sheegtay iney isku taagtay mudo haatan laga joogo 20-sano.

Wakiilada QM,Ingiriiska,Sweden,Canada,Mareynkanka ayaa madaxweyne Farmaajo u sheegay iney muhiim tahay wada hadalo mira dhal ah lala yeesho Somaliland,islamarkaana madaxweynuhuu boorka ka jafo guddiga Qaranka ee Wada hadalada iyo dhab u heshiisiinta Dowladda Federaalka iyo Somaliland,kuwaas oo tan iyo magacaabistoodii waday xog uruurin ku aadan xalinta tabashada walaalaheen Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan wada tashi ah la qaatay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa xasuusiyey Guddigan in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah, horseedana qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, si loo xaqiijiyo mabaadi’deenna wadajirka ah ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda iyo isku duubnida.

Dhankooda, Xubnaha Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran.

Dhanka kale, maamulka Somaliland ayaa shaaciyay ineysan wada hadal la fureyn Dowladda Farmaajo maadama cunaqabateyn dhinac walba ah ay saartay maamulkooda,islamarkaana xayirtay deeqdii kaga imaaneysay beesha caalamka.