BALCAD.NET-XOG: Khal Khal Amni Oo Laga Dareemayo Madaxtooyada & Isgoysyada Ku Dhow Oo La Xiray

Balcad.net-15-December-2019-Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho kadib markii walaac laga muujiyay weeraro hor leh oo lagu qaado xarumaha dowladda Federaalka.

Ciidamada Koofiya guduudda ee sida gaarka ah uqaabilsan ilaalada madaxtooyada ayaa lagu arkayaa iyagoo baaritaanno ka sameynaya dhammaan waddooyinka madaxtooyada soo gala, sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa iyana isku fidiyay dhammaan xafiisyada ay madaxda dowladda ku shaqeeyaan iyagoo baaritaano samaynaya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ilaalada u ah Farmaajo ay wasiirrada iyo xildhibaannada banaanka madaxtooyada uga reebaya ciidanka ilaalada u ah.

Gaadiid iyo ciidamo istaaf u ahaa mas’uuliyiinta dowladda oo loo diiday in ay gudaha ugalaan Villa Somalia ayaa buux dhaafiyay banaanka madaxtooyada, tallaabooyinka ayaa yimid kadib markii uu dhacay weerarkii Hotelka SYL ee khasaaraha badan dhaliyay.

Qaar ka mid ah dadka ku ganacsada Isgoysyada ku dhow Baraha laga ilaaliyo Madaxtooyada gaar ahaan agagaarka Ceel-gaabta ayaa la soo deristay khal khal amni ka dib markii halkaas soo buux dhaafiyeen ciidamo hubeysan oo ilaalo u ah Dowladda,kuwaas oo looga baqayo iney isku dhacaan ama gaari Qarax ah la soo dhex geliyo.

Taliska Ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo rogay amaro cusub oo lagu sugayo amniga Madaxtooyada ka dib weerarkii Al-Shabaab ku galeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.XOG: khal khal amni oo laga dareemayo Madaxtooyada & Isgoysyada ku dhow oo la xiray

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*