BALCAD.NET-XOG: Khilaafka DF Iyo Jubbaland Oo Xal Kama Dambeysa Ah Laga Gaarayo

Balcad.net-15-December-2019-Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland,halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeelanyo madaxda ugu sareyso maamulka Jubbaland.

Socdaalka James Swan uu ku tagayo magaalada Kismaayo ayaa ah lugtii ugu dambeysay oo xal waara looga gaari lahaa khilaafka ragaadiyay Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland,kaas oo labo mid uun noqoneyso in Axmed Madoobe meesha uu ka baxo iyo in Dowladda Federaalka la heshiiso,sida illo xog ogaal ah Uxaqiijisay Balcad Online,

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa hadda ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya,balse maalmaha soo socda ayuu ka soo duuli doonaa,waxaana lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu kaga horumaro Wakiilka Qaramada Midoobay si uu halkaasi ugu soo dhoweeyo.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in wadalo dhowr cisho soo socday go’aan kama dambeys ah looga gaaray arrinta Jubbaland,islamarkaana la rajeynayo in maalmaha soo socda la amba qaado wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland oo mudo isku taagnaa.

Inkastoo xaqiiqda dhabta aah la heyn hadana Axmed Madoobe ayaa lagu qanciyay inuu mudada afarta sano ee xafiiska joogo la shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana joojiyo madax taaga iyo u adeegida danaha gaarka ah kana shaqeeyo danaha guud,sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale, mucaaradka Jubbaland ayaa qaatay nabad,iyagoona lagu qancay wada hadalo lala galay oo mudooyinkanba soo socday.

Beesha caalamka ayaa Madaxda Villa Soomaaliya ku cadaadineysay iney wada hadal loo dhan yahay la galaan maamulada tabashada qaba si loo sii wado geedi socodka dib u heshiisiinta iyo nabada Soomaaliya.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay muhiim u yihiin doorashooyinka la filayo iney dalka ka dhacaan 2021.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*