Magalada Mogadishu oo Wiji Cusub Galeyso Xili Wadooyinka Kamerayaal lagu Xiray

Jidadka  magaalada Muqdisho qaarkood ayaa inta badan lagu xiray kaamirooyin cusub oo lagala socon doono dhaq-dhaqaaqyada halkaas ka socda.

 

Kaamirooyinkaan ayaa lagu arkay inta badan isgoyska wadada Makka Al-Mukarama ayaa ah kuwa loogu talagalay in lagu sugo Amniga.

Kaamerooyinka oo ah nooca CCTV ayaa ku duwan kuwii hore oo muddo kadib howlgab noqday, waxayna wataan baallooyin u gaara, anteenooyin iyo qalab kale, waxaana lagu bilaabay wadooyinka u dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo isgoysyada waaweyn.

Kaamirooyinkaan ayaa waxaa laga maamulayaa Xarunta Nabadsugidda ee Habar Khadiijo, waxaana halkaas lagu diyaariyey shaashado tiro badan oo lagala soconayo dhaqdhaqaaqa Isgoysyada magaalada Muqdisho.

Marka Isgoysyada Muqdisho dhan lagu xiro kaamirooyinkaan ayaa wuxuu qorshaha yahay in la furo jidadka xiran ee Muqdisho, iyadoo halkaas la dhigi doono kaliya ciidamo baarayo gawaarida, waxaana dhaqdhaqaaqa lagala socon doonaa kaamirooyinkaas.

 

Magaalada Muqdisho ayaa bilihii dhowaa ka nasatay qaraxyadii waa weynaa ee ay fulin jirtay kooxda Al-Shabaab.