Monthly Archives: January 2020

BALCAD.NET-Ahlu-Sunna oo shaaca ka qaaday sababta aysan ugu tanaasulin doorashada DF

Balcad.net-31-janaayo-2020-Madaxda Ahlu Sunada Galmudug ayaa wax laga weydiiyay sababta aanay ugu tanaasulin doorashada ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka Somaliya, una qabteen doorasho kale oo taasi liddi ku ah. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha xigga ee Galmudug, ee garabka Ahlu-Sunna ayaa ka jawaabaya su’aasha ah, maxaa Ahlu Sunna tanaasul u diiday? “Waxaanba halkaan ku soo ...

Read More »

BALCAD.NET-“Waxaan fileynaa inuusan nooleyn C/rashiid Janan”

Balcad.net-31-janaayo-2020-Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo oo ah Nabadoonka Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa tuhun xoogan ka muujiyay inuuba nool yahay Wasiirka. Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo ayaa sheegay in warkii Taliska Booliska ka soo yeeray ee la xiriiray baxsahada Wasiirka ay ka maqleen uun Warbaahinta, isla-markaana aanay jirin farriin loogu soo wargelinayo oo kaga timid dhinaca dowladda. Nabadoon Aadan ...

Read More »

BALCAD.NET-Shirqool lagu weerari rabo’ musharaxiinta mucaaradka Galmudug oo laga digay

Balcad.net-31-janaayo-2020-Siyaasaiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay wax uu ku sheegay shirqool lala damacsan yahay musharaxiinta mucaaradka ee madaxweynaha Galmuudg. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hogaamiya xisbiga Wadajir ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in rag loo haysto danbiyo ay Dhuusomareeb geeyeen farriimo la sheegay in ay madaxda dowladda ka sidaan. Farriimahaas ayuu sheegay inay yihiin in la weeraro siyaasiyiinta ...

Read More »

BALCAD.NET-Shir uu ka qeyb-galayo guddoomiye Mursal oo Maanta la soo…

Shirka Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo galay maalintii Shanaad waxaa ka qeyb galay guddoomiyaasha Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka,waxaana looga hadlay Arrimaha dalalka Islaamka oo ay Falastiin ugu horeyso,Sidoo kale waxaa Kulanka inta uu socday lasoo jeediyay in la sameeyo Guddiga ka shaqeeya Amaanka. Sidoo kale ka qeyb-galayaasha ayaa isku raacey in inta aan la magacaabin Gudigaas qaraar arintaas quseysa laga soo ...

Read More »

BALCAD.NET-Dalalka Carabta ee wax ka wada qorshaha Sunniyiinta Iraq loogu abuurayo dal cusub

Xog dheer ah ayaa kasoo baxaysa qorshe ay waddo dowladda Mareykanka oo ay maamul goboleed uga dhiseyso galbeedka dalka Iraq, kaasi oo kadib noqon doona dal madax-banaan, oo ay leeyihiin Suniyiinta Iraq. Qorshaha Mareykanka ayaa jawaab u ah dadaallada ay kooxaha Shiicada Iraq ku doonayaan iny ciidamada Mareykanka looga eryo dalkaas. Xog cusub ayaa sheegeysa in dalalka Khaliijka ee Mareykanka ...

Read More »

BALCAD.NET-Qaar ka mid ah Kaamirooyinkii lagu xiray jidadka Muqdisho oo qaraxyo lagu burburiyey

Balcad.net-30-janaayo-2020-Magaalada Muqdisho ayaa waxaa siweyn looga maqlay xilligii Salaada Subax jugta qaraxyo Culus,kaas oo dadka ku nool Magaalada Muqdisho ay siweyn u dareemeen cabsina ku abuurey. Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxyo lagu xirey qaar kamid ah Kaamirooyinka ay hay’adaha Amniga Soomaaliya ku xireen Wadooyinka Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.Xilliga ay dhacayeen Jugta qaraxyada ayaa waxaa ...

Read More »

BALCAD.NET-Donald TRUMP oo si rasmi ah u shaaciyey ‘Heshiiska Qarniga’ ee Israel & Falastiin

Balcad.net-29-janaayo-2020-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa muddada la sugayey ee nabadda Bariga Dhexe, wuxuuna ballan-qaaday in Qudus oo aan la ka qeybin ay ahaan doonto caasimadda Israel. Qorshahan oo Trump uu ugu magac daray “Heshiiska Qarniga” ayaa soo jeedinaya dal madax banaan oo Falastiin ah, hase yeeshee wuxuu deegaanada Daanta Galbeed ee Yahuudda ay qabsadeen u aqoonsanayaa ...

Read More »

BALCAD.NET-Somaliland oo ka hor-timid mashruuca Mareykanka iyo DF ay ku dhowaaqeen

Balcad.net-29-janaayo-2020-Xukuumada Somaliland ayaa gebi ahaanba ka hor-timid Mashruuc ay waday dowladda Soomaaliya oo ay qeyb ka tahay dowladda Mareykanku, kaasi oo Isniintii lagu daah-furay magaalada Muqdisho. Somaliland ayaa ka soo horjeesatay Mashruuca horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu magaalada Muqdisho ka daah-furay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo dowladdiisa ay maal-gelineyso. Waxaana Mashruucaasi ...

Read More »

BALCAD.NET-BEESHA CAALAMKA oo Shaacisay Mad-Madow Ku Jira Sharciga Doorashooyinka

Balcad.net-29-janaayo-2020- Beesha Caalamka ayaa war-qoraal ah ay ku shaaciyeen mowqifkooda kasoo saaray sharciga muranka xoogan dhaliyey ee doorashooyinka Soomaaliya.Ee 2020-21 Ugu horeyn, waxay ku dhawaaqeen inay taageersan yihiin qaabka ay u socoto diyaar-garowga loogu jiro coddeyntu qorshuhu yahay in ay waddanka ka qabsoonto 2020-21. Deeq-bixiyeyaasha ayaa si cad ugu adkeystay baahida loo qabo in xeerka uu noqdo mid xeerinaya in ...

Read More »

BALCAD.NET-Al-shabaab oo baahisay fariinta Ismiidaamiye ku heyb ah…

Muuqaal ay baahisay warbahinta Al-shabaab ayaa lagu soo bandhigay farriin laga duubay mid ka mid ah ismaaaamiyaashii Al-shabaab kuwoodii ugu qatarsanaa, ninkaani oo kasoo jeedo beesha Mareexaan ee Madaxweyne Farmaajo ka dhashay, wuxuu galaaftay dad shacab ah oo aan waxba galabsan iyo mas’uuliyiin. Fariinta ay baahiyeen Al-shabaab ee ninkaan uu kasoo muuqday oo lagu magacaabo Shukri C/llaahi Diiriye loona yaqiin ...

Read More »