BALCAD.NET-2 fal-Celin oo kala Duwan oo Laga Bixiyey Fannaanka Shabaabka Ah Ee La Qabtay

Balcad.net-23-janaayo-2020-Shacabka Muqdisho ayaa laba hab oo kala duwan uga fal-celinaya sheekada ku saabsan fanaanka Shabaabka ahaa ee ku dhex jiray dowladda Soomaaliya..Hoteelada, maqaayadaha iyo goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan ayaa waxaa shalay aad loo hadal hayey warbixin ay dhawaan qortay Balcad Online, taas oo aheyd in Fanaan ka tirsan shaqaalaha dowladda uu ka tirsan yahay saraakiisha Al-Shabaab, maalin kadibna ay soo bandhigtay NISA.Shacabka, Siyaasiinta iyo Ciidamada ayaa hadal haya Fanaanka Shabaabka noqday ee dowladda ka tirsanaa oo lagu magacaabo Abshir Gaarane Axmed, iyo filashada laga qabo in boqolaal kale oo Shabaab ah ay ku jiraan shaqaalaha dowladda.

Sidoo kale baraha Bulshada ee Internate-ka ayaa aad loogu hadal haayaa Fanaanka Shabaabka ah oo ay soo bandhigtay NISA kadib markii ay baahisay Balcad Online.

Shacabka ayaa kuu sheegaya in aysan jirin qof la aamino, halka qaarkoodna ay kuu sheegayaan in hadda kadib ay iska ilaalin doonaan qof kasta oo uu yaqaan, wax uu doonaba ha ahaadee.

Dadka qaar ayaa ku talinaya in aan qofna lala saaxibin lana aamin xataa hay’adaha amaanka, mas’uuliyiinta iyo qof kasta maadaama ay Al-Shabaab ku milmeen dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*