BALCAD.NET-Duqa Muqdisho oo Gudoomiyay shirka Maamulada Degmooyinka

Balcad.net-23-janaayo-2020-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ayaa xalay shir gudoomiyay shirka maamulada degmooyijnka Gobolka Banaadir, kaasi  oo lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee xamar.

Shirka ayaa waxaa  looga hadlay Barnaamijka Bulsho bile oo ah baraamij cusub oo uu maamulka gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu xoojiyo isdhaxgalka bulshada iyo dhiiragalinta soo bandhiga hal abuurka bulshada Caasimadda.

Sidoo kale waxaa looga hadlay dardar galinta Nadaafad iyo xoojinta Amniga Magaalada iyo qosol kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa farey guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir inay dardar geliyaan Amniga Caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*