Macalinka Arsenal Mikel Arteta oo Laga helay Coronavirus iyo Kulamada Horyaalka Ingiriiska la baajin doono

Ka dib markii la shaaciyay in tababaraha Arsenal Mikel Arteta uu ku dhacay caabuqa Coronavirus, maamulka Premier League ayaa soo saaray warbixin la xiriirta in kulan degdeg ah ay isagu imaan doonaan Manta oo Jimco ah kooxaha horyaalka,.

Wax yar kahor intii aan la shaacinin xanuunka ku dhacay Mikel Arteta, maamulka Premier League ayaa shaaciyay in kulamada horyaalka ee isbuuca soo socda ay u dhici doonaan sidii loogu talogalay Laakiin waxay durbadiiba soo saareen warbixin kale markii ay maqleen warka Arteta.

“Ka dib markii ay Arsenal xaqiijisay caawa in tababarahooda koowaad uu ku dhacay caabuqa Coronavirus, maamulka Premier League waxay kulan degdeg ah u qaban doonaan kooxaha horyaalka iyagoo ka arinsan doona sida laga yeelayo kulamada isbuuca.

“Maamulka Premier League war kale ma soo saari doono ilaa iyo kulanka ka dib.”

Waxaa la filayaa in la baajiyo kulamada Premier League ee isbuuca dhan ama qaar ka mid ah siiba kulanka Arsenal ee Sabtida madaama karantiil la gelin doono ciyaartoyda uu Arteta kulanka dhow la yeeshay iyo shaqaalihiisa tababarka.

Wixii ka soo baxa kulanka degdeg ah ee la qabanayo subaxnimada Jimcaha waxaan idiin kugu soo gudbin doonaa wararkeen kale.

SHARE
Previous articleDabin Jaceyl Q:15aad
Next articleDabin Jaceyl Q:16aad