BALCAD.NET-Wasaaradda arrimaha dibadda XF oo 29 kadib yeelatay xoghaye rasmi ah

Balcad.net-31-maarso-2020-Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa yeelatay xoghayaha joogtada wasaaradaasi, kaas oo loo magacaabay Danjire Maxamed Cali Nuur oo noqonaya xoghaye rasmi ah, wixii ka dambeeyey 26-kii Janaayo sanadkii 1991-dii oo xilligaas oo ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka.

Maxamed Cali Nuur ayaa horay u soo noqday safiirka Soomaaliya ee Jabuuti, isagoona xilka kala wareegay Maxamed Isaaq Aadan oo si KMG ah u hayey jagadaasi.

Sidoo kale waxaa Maxamed Isaaq Aadan ka horreeyey illaa sideed xubnood oo xilkaan iyaguna  si KMG ah u soo qabtay, tan iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 1991-dii, kuwaas oo kala ahaa: 1- Danjire Maxamed Shariif Maxamuud, 2- Danjire. Cabdisalaan Xaaji Axmed Liiban “Dhabancad”, 3- Avv. Xirsi Xaaji Culosow Xirsi, 4- Cabdi Ciise Diirshe, 5- Cabdullahi Dool Maxamed, 6- Sheekh Yuusuf Cali Maxamed “Yuusuf Afgooye”, 7- Danjire. Cali Maxamed Cali “Cali bin Cali”, iyo 8- Danjire. Saciid Xaaji Maxamuud Faarax.

Dhinaca kale war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in u jeedka uu yahay in la dardar geliyo qorshooyinka shaqo ee horyaalla.

Illaa dib-u-soo-nooleynta shaqadii iyo howlihii wasaaradda arrimaha dibadda xilligii dowladihii KMG ahaa waxaa maareyn jiray agaasimeyaasha wasaarada, balse haatan waxaa si rasmi ah shaqadaasi u qaban doono xoghayaha cusub ee xilka la wareegay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad iyo wasiiru dowladaha Wasaaraddaasi Cabdulqaadir Axmed-Khayr Cabdi ayaa xilka u kala wareejiyey Danjire Maxamed iyo xoghayihii hore ee KMG ahaa, kadib munaasabad ka dhacday Muqdisho.            Wasaaradda arrimaha dibadda XF oo 29 kadib yeelatay xoghaye rasmi ah