Author Archives: Cabdiraxman naana

BALCAD.NET-Wasiir Qambi oo shirkadda Hass raali-gelin ka siiyey eedeyntii lagu fashilmay

Balcad.net-27-feberaayo-2020― Wasiirka Howlaha guud ee Somaliland, Cabdirashiid Qambi ayaa raali-gelin ka bixiyey eedeyn uu shalay u jeediyay Shirkada shidaalka ee Hass, taasi oo uu kula xiriiriyey Jabhado ka jira deegaanada Buuhoodle. Wasiir Qambi ayaa sheegay in uusan hayn wax cadeymo ah oo muujinaya in Shirkadaasi ay maal-geliso Jabhada SSC ee sida weyn uga soo horjeeda maamulka Muuse Biixi iyo gooni ...

Read More »

BALCAD.NET-Guddoomiyaal degmo oo ‘naftooda kala baxsanaya’ ciidamada HARAMCAD

Balcad.net-27-feberaayo-2020-Maamulka degaanka Lafoole ee koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhibaato badan ku qabaan ciidamada Haramcad ee booliska Soomaaliya kuwaas oo ku sugan wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Muqtaar Nuur Geeseey, oo ah guddoomiye ku xigeenka degaankaas ayaa sheegay in uu shalay ka badbaaday isku dhac gacan ka hadal ah oo dhaxmaray ciidan ilaalo u ah iyo ciidanka Haramcad ...

Read More »

BALCAD.NET-Axmed Madoobe oo xiray nin xil wasiirnimo u doontay

Balcad.net-27-feberaayo-2020-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in la xiro Maxamuud Maxamed Ibraahim Geeleey oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Jubbaland. Mr Geeleey ayaa doontay xilka wasiirka garsoorka Jubaland oo ay saaxiibo yihiin Axmed Madoobe, waxaana la sheegay in wasiirka uu Axmed Madoobe ku wargeliyay in wiilka xilka soo doontay ay macaamiil yihiin Xukuumadda ...

Read More »

BALCAD.NET-Guddoomiyihii hore ee Dhuusamareeb ugu Magacaawnaa Ahlusunna oo la xiray

Balcad.net-27-feberaayo-2020-Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas Xalay lagu xiray Guddoomiyihii hore ee degmada Dhuusamareeb ugu Magacaawnaa hoggaanka Ahlusunna Axmed Walad Cabdalla. Guddoomiyihii hore iyo xubnaha la socday ayaa lasoo sheegayaa inay xireen ciidamada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya geysay Magaalada Dhuusamareeb. Xubnaha la xiray ayaa xilliga la xirayey waxay kasoo baxeen Xerada Inji ...

Read More »

BALCAD.NET-Uhuru oo 14 maalmood u qabtay Soomaalida Kenya

Balcad.27-feberaayo-2020-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hogaamiyayaasha Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalida ah u qabtay 14 maalmood, si ay ula yimaadaan xal wax looga qabanayo dhibaatooyinka amni-darro iyo falalka argagixiso ee ka jira gobolka. Uhuru ayaa dalabkan hor-dhigay barasaabyada kala ah Cali Roba (Mandhera), Maxamed Cabdi Maxamud (Wajir), iyo Cali Korane (Gaarisa), oo ay wehliyaan hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre ...

Read More »

BALCAD.NET-Nin ceynkee ah ayuu ahaa Maxamud Xaaji, maamulihii ay dileen Mareykanka?

Balcad.net-26-feberaayo-2020-– Sida ay Balcad Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Hormuud, waxaa 24-kii bishan duqeyn lagu dilay madaxii shirkadda Hormuud faraceeda degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Salaad, ayaa laba gantaal lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa beertiisa oo ku taalla meel banaanka ka ah degmada Jilib halkaasna uu ku geeriyooday, ...

Read More »

BALCAD.NET- Al-Shabaab oo ‘cagta marisay’ saldhig ku yaalla KENYA

Balcad.net-26-feberaayo-2020- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar markale Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan saldhig ciidamada dalka Kenya ay ku leeyihiin nawaaxiga magaalada Gaarisa. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lala bartilmaameedsaday saldhigga oo ku yaalla deegaanka Goorisa oo hoostaga magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Al-Shabaab oo ...

Read More »

BALCAD.NET-AFRICOM oo ka jawaabtay warka sheegaya inay dileen maamule ka tirsan Hormuud

Balcad.net-25-feberaayo-2020- Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa ka hadlay warar sheegaya in duqeyn shalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dileen maamule ka tirsanaa shirkadda Hormuud. Cadnaan Xaaji Cali oo ka tirsan shirkadda Hormuud ayaa VOA u sheegay in duqayntaas uu ku dhintay Maxamuud Xaaji Salaad oo ahaa maamulihii shirkadda ee magaalada Jilib. Afhayeen u ...

Read More »

BALCAD.NET-A/Madoobe oo wada abaabul ugu dambeeyey ee Jubbaland ku qabsaneyso Bu’aale

Balcad.net-25-feberaayo-2020 – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay ku hoyday degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada ee ku sugan halkaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobollada Jubbooyinka. Ilo ku dhow kulankaas ayaa sheegay ...

Read More »

BALCAD.NET-JAMES SWAN oo farriin u diray Farmaajo “Nidaamka wareejinta xukunka Somalia waa in la joogteeyaa 2020”

BALCAD.NET-25-FEBERAAYO-2020- Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka ee QM ee Soomaaliya u gudbiyey warbixin uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya, wuxuuna carabka ku akdeeyey muhiimadda sanadkan 2020 uu u leeyahay Soomaaliya. “Sanadkan 2020, Soomaaliya waxay wajaheysaa tijaabo muhiim u ah horumarka dhismaheeda dowladeed, ayada qabaneysa doorasho taariikhi oo ah qof iyo cod,” ayuu yiri ...

Read More »