Balcad Tv

BALCAD.NET-XOG: Khal Khal Amni Oo Laga Dareemayo Madaxtooyada & Isgoysyada Ku Dhow Oo La Xiray

Balcad.net-15-December-2019-Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho kadib markii walaac laga muujiyay weeraro hor leh oo lagu qaado xarumaha dowladda Federaalka. Ciidamada Koofiya guduudda ee sida gaarka ah uqaabilsan ilaalada madaxtooyada ayaa lagu arkayaa iyagoo baaritaanno ka sameynaya dhammaan waddooyinka madaxtooyada soo gala, sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa iyana isku fidiyay dhammaan xafiisyada ...

Read More »

BALCAD.NET-XOG: Khilaafka DF Iyo Jubbaland Oo Xal Kama Dambeysa Ah Laga Gaarayo

Balcad.net-15-December-2019-Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland,halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeelanyo madaxda ugu sareyso maamulka Jubbaland. Socdaalka James Swan uu ku tagayo magaalada Kismaayo ayaa ah lugtii ugu dambeysay oo xal waara looga gaari lahaa khilaafka ragaadiyay Dowladda Federaalka iyo ...

Read More »

BALCAD.NET-XOG: Beesha Caalamka Oo Madaxweyne Farmaajo Ku Cadaadineysa Wada Hadalada Somaliland

Balcad.net-15-December-2019-Xubnaha Beesha caalamka u jooga magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku cadaadisay inuu dardar geliyo wada hadalada dhab u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo sheegtay iney isku taagtay mudo haatan laga joogo 20-sano. Wakiilada QM,Ingiriiska,Sweden,Canada,Mareynkanka ayaa madaxweyne Farmaajo u sheegay iney muhiim tahay wada hadalo mira dhal ah lala yeesho Somaliland,islamarkaana madaxweynuhuu boorka ka jafo guddiga Qaranka ee ...

Read More »

BALCAD.NET-Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay…

Balcad.net-15-December-2019-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in ay bisha soo socoto ee Maarso guddigeedu ka guurayaan Madaxtooyada Soomaaliya,halkaasi oo uu ku yaalo Xafiiskooda ugu weyn. Guddoomiye Xaliimo Yareey ayaa sheegtay iney bilaabatay dhismaha xaruntooda cusub oo laga wado banaanka Madaxtooyada ee Villa Somalia laguna soo gabagabeynayo bilaha Juun iyo Agoosto,islamarkaana xubnaha ugu ...

Read More »

BALCAD.NET-Al-Shabaab oo shaacisay Magaca iyo Beesha ninkii Hoggaaminayey Weerarkii SYL

Balcad.net-15-December-2019-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa shan maalin kadib shaacisay magaca iyo beesha uu ka soo jeedo ninkii hoggaaminayey weerarkii lagu qaaday hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho. Magaca ninkaasi ayey Al-Shabaab ku sheegtay Maxamed Maxamuud Cabdi (Saadaq), kaas oo ay tilmaamtay inuu horkacayey raggii fuliyey weerarkaasi. Sidoo kale waxa ay sheegtay inuu Saadaq ka soo jeedo beesha Xawaadle, gaar ahaan jufada Reer Ugaas, ...

Read More »

BALCAD.NET-– Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay Hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda sharciga horyaalla Baarlamanka aysan ku qeexneyn nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi. Deni ayaa ku baaqay in haddii mudada sannadka ah ee harsan la go’aansado in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ay tahay in la caddeeyo sida ay ku dhici karto, sidoo kale haddii lagu laaban doono Nidaamkii Qabaliga 4.5-ka, ay tahay in wada-tashi la isugu yimaado. “Hadii la leeyahay doorashaa la qabanayaa 4.5 chapter-keeda waa in uu xirmaa, hadii la leeyahay ma xirmi karo, hadda annaga dad Soomaali ka duwan ma nihi xaal-mastuurka waa ogol nahee, bal hala isku yimaado hala wada hadlo, xagee la aadayaa waaye marka, waddo kale oo saddexaad aniga iima muuqato,” ayuu yiri Deni. Madaxweynaha ayaa raaciyey: “Hadii la leeyahay qof iyo cod, sidda ay shegeen, oo degmooyinkii iyo gobolada la dhigi waayo oo wax cad la keeni waayo, waxa ku xigta waa in la yiraahdo maxaa ku xiga oo la aadayaa?”. Deni ayaa ugu dambeyn sheegay in Puntland ay mar walba “ka qeyb Qaadanayso Dhisme Soomaaliyeed oo Cadaalad, Midnimo iyo Federaal ku dhisan”.

Balcad.net–15-December-2019- Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo ...

Read More »

BALCAD.NET-Xog: Cumar Filish oo Diiday in uu ku Shaqeeyo Hoolkii Lagu Qarxiyay Duqii hore

Balcad.net-15-December-2019-Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa joojiyay in shirka guddoomiyaasha degmooyinka iyo shirarka kale ee gobalka lagu qabto hoolkii lagu qarxiyay guddoomiyihii hore ee gobalka Allah ha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow. Sida ay noo sheegeen qaar ka mid shaqalaaha gobolka, hoolkii uu ku dhintay duqii hore ayaa waxaa saaran quful muddo bilooyin ah ...

Read More »

BALCAD.NET-Xog: Maareeye oo lagu Amray inuu La shaqeeyo Guddigii uu Magacaabay Goodax

Balcad.net-15-December-2019- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda horumarinta caruurta u qaabilsan Qaramada ee UNICEF ayaa go’aan ka gaaray muran u dhaxeeyay wasiirada waxbarashada iyo warfaafinta Soomaaliya, kaas oo salka ku haayay guddi uu magacaabay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre. Sida aan xogta ku helnay, mas’uuliyiinta UNICEF ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u sheegay in arintaan ay hay’adooda ka ...

Read More »

BALCAD.NET-C/llahi Xasan Shariif oo lagu xukumay 28 sano oo xabsi ah

 Maxkamad ku taala dalka Canada ayaa waxay xukun adag oo 28 sano oo xabsi ah ku riday nin Soomaali ah, oo aan weli helin dhalashada dalkaasi Canada. Maxkamadda Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta ayaa waxay Cabdullaahi Xasan Shariif ku xukuntay sideed iyo labaatan sano oo xarig ah, ka dib markii lagu helay inuu fal dembiyeedyo gaystay. Ciidamada Booliska ayaa ninkan ...

Read More »

BALCAD.NET-Sawirro: KHAYRE oo kulamo ka Wada Magaalada Dooxa

Balcad.net – 15- December-2019-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dooxa ayaa weli kulamo gooni gooni ah ka wada magaaladaasi. Khayre ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ah yahay xoghayaha maaliyadda Mareykanka, Steven Mnuchin, kaas oo ka qeyb galaya madasha Dooxa. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, dardar gelinta ...

Read More »