Gudaha

BALCAD.NET-Mareykanka oo madax goboleedyada Soomaaliya u gudbiyey dalab culus

Balcad.net-24-janaayo-2020-Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wada-shaqeyn ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, taasi oo uu sheegay inay muhiim u tahay horumarka siyaasadeed ee 2020 iyo mustaqbalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in danjire Donald Yamamoto uu la kulmay afar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, islamarkaana uu kala hadlay baahida ...

Read More »

BALCAD.NET-Shaxda ERDOGAN iyo Shidaalka Soomaaliya!

Balcad.net-24-janaayo-2020-Soomaaliya ayaa mar kale u tallaaba-qaadday ​ka faa’iidaysiga kheyraadka shiidaalka, kaddib markii Aqalka Sare ee Baarlamaanka uu ansixiyay January 6, 2020 Sharciga Batroolka dalka. Walow sharcigu uu soo raagay, haddana waxaa la filaayaa inuu soo jiidan doono maalgashiga shirkadaha shidaalka caalamiga ah. Balse, waxaa murugo ka taagan tahay in ansaxintii sharciga uu ku soo beegmay xilli olole​ doorasho, iyo rabshado ...

Read More »

BALCAD.NET-Jubaland oo Soo Saartay Go’aan La Xiriira Hanaanka Doorashooyinka Qaranka

Balcad.net-23-janaayo-2020- Dowladda goboleedka Jubaland ayaa ku dhowaaqday inay qaadacday dhammaan hanaanka doorashooyinka qaranka ee la filayo in Soomaaliya ay guda gasho bilaha soo socda. War-saxaafadeed kasoo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay inaysan jirin wax heshiis siyaasadeed ah oo laga gaaray arrimaha doorashooyinka qaranka ee 2020/2021. “Sidaas awgeed, waxay Jubbaland ogaysiinaysaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, inta laga gaararayo heshiis siyaasadeed oo loo ...

Read More »

BALCAD.NET-Xog: Labada gole ee BF oo ku Heshiiyay Go’aan ka Dhan Ah Madaxweyne Farmaajo

Balcad.net-23-janaayo-2020-Kulan dhaxmaray guddoomiyaasha labada gole ee baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa looga heshiiyay arrin oo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Xog ay heshay Balcad Online, ayaa sheegeysa in kulankaan oo ka dhacay guriga guddoomiye Mursal looga hadlay sharciga dooashooyinka Soomaaliya ee dhawaan ka soo gudbay ...

Read More »

BALCAD.NET-2 fal-Celin oo kala Duwan oo Laga Bixiyey Fannaanka Shabaabka Ah Ee La Qabtay

Balcad.net-23-janaayo-2020-Shacabka Muqdisho ayaa laba hab oo kala duwan uga fal-celinaya sheekada ku saabsan fanaanka Shabaabka ahaa ee ku dhex jiray dowladda Soomaaliya..Hoteelada, maqaayadaha iyo goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan ayaa waxaa shalay aad loo hadal hayey warbixin ay dhawaan qortay Balcad Online, taas oo aheyd in Fanaan ka tirsan shaqaalaha dowladda uu ka tirsan yahay saraakiisha Al-Shabaab, maalin kadibna ay ...

Read More »

BALCAD.NET-Duqa Muqdisho oo Gudoomiyay shirka Maamulada Degmooyinka

Balcad.net-23-janaayo-2020-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ayaa xalay shir gudoomiyay shirka maamulada degmooyijnka Gobolka Banaadir, kaasi  oo lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee xamar. Shirka ayaa waxaa  looga hadlay Barnaamijka Bulsho bile oo ah baraamij cusub oo uu maamulka gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu xoojiyo isdhaxgalka bulshada iyo dhiiragalinta soo bandhiga hal abuurka bulshada Caasimadda. Sidoo kale ...

Read More »

BALCAD.NET-Xog: Xilliga ay Dhaceyso Doorashada HirShabelle iyo Waare oo xil loo Ballan Qaaday

(Balcad.net (22-janaayo-2020) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, xubno ka tirsan IGAD iyo qaar kamid ah safiirada beesha caalamka ayaa is faham ka gaaray xiliga ay qabsoomeyso doorashada HirShabeelle kadib kulamo ka dhacay Muqdisho. Xog ay heshay Balcad Online ayaa sheegeysa in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in doorashada HirShabelle la qabto bilaha March ilaa April, ...

Read More »

BALCAD.NET-4 ka Mid Ah Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo Qaadacay Doorashada

Balcad.net-22-janaayo-2020- Afar ka mid ah musharaxiinta u sharaxan Xafiiska Madaxtooyada Galmudug ayaa ka horyimid jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, uu soo saaray garab ka mid ah Guddugii Doorashada ee Talaadadii kala qaybsamay. Musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Faarax Wehliye, Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere) iyo Kamaal Daahir Guutaale oo lagu tiriyo musharaxiinta mucaaradka ayaa si rasmi ...

Read More »

BALCAD.NET-Aqalka Sare oo Ansixiyey Sharci Wax Badan ka Bedeli Doona Dalacsiinta Ciidanka

Balcad.net-21-janaayo-2020-Senatorada golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii 31aad ee kalfadhiga 6aad. Kulankii shalay ee golaha ayaa ee lagu ansixiyey ‘hindise sharciyeedka howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida’ waxaana soo xaadirtay kulanka 32 senator, kuwaas oo 31 ka mid ah ay ogolaadeen meel marinta sharcigaas, waxaana ka aamusay hal senator. Qodobo ku ...

Read More »

BALCAD.NET-DF oo Qorsheyeneysa inay Waare Mariso Wadadii Xaaf

Balcad.net-21-janaayo-2020-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay uga dhaadhicineyso madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare inuu masuuliyadda ka saaran howsha maamul dhisidda ku wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Sida la fahamsan yahay qorshahaan ayaa aad isu soo tarayay maalmahii lasoo dhaafay, waxaana lagu soo warramayaa iney jireen kulamo arinkaas ku saabsan oo qabsoomay inkastoo aysan wali jirin wax la isla ...

Read More »