Wararka

BALCAD.NET-Qorshihii Abiy Ahmed ee Soomaaliya iyo Somaliland oo si rasmi ah u fashilmay

Balcad.net-24-feberaayo-2020- Qorshihii uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku doonayey inuu ku dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Somaliland, kuna kulansiiyo labada madaxweyne ayaa fashilmay, waxaa sidaas weriyey wargeyska The East African. Qorshaha booqashada Farmaajo ee Hargeysa, oo markii hore uu diiday madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxaa ka fal-celiyey Abiy Ahmed oo wafdi heer sare ah u diray Somaliland si mar kale looga ...

Read More »

BALCAD.NET-CC Shakuur oo sheegay in uu hayo ‘xog la qariyey’ oo la xiriirta weerarkii Ceel-Saliini

Balcad.net-24-feberaayo-2020- Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay qarineyso khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Ceel-Saliini ee gobolka Sh/Hoose. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sidoo kale sheegay in “ciidankaas la dayacay.” “Allaha u naxariisto ciidankii shuhaddada ahaa ee lagu laayay Ceel Salliini. Waxaan xog ku heynaa in ciidankaas ...

Read More »

BALCAD.NET-Axmed Madoobe oo raba inuu dowlada uga hormaro qabsashada magaalo looga dhowaaqi karo maamul kale

Balcad.net-24-feberaayo-2020-Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa wada qorshe xooggan oo uu doonayo in ciidankiisa ay kula wareegaan gacan ku haynta magaalada Bu’aale oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulkiisa, ka hor dowladda federaalka. Taliyaha guud ee ciidanka dowlad goboleedka Jubaland Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa sheegay in Jubaland ay diyaarisay qorshihii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab laga soo saari ...

Read More »

BALCAD.NET-Ciidamada DF Soomaaliya oo ku dhowaaday halka ay ku sugan yihiin ciidamada Jubbaland ee Mandheera

Balcad.net-24-feberaayo-2020-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa hawlgal shalay ay ka sameeyeen Gobolka Gedo waxay ku taggeen, oo ay ku saldhig dhigteen xuduuda kala qaybisa Degmooyinka Beled Xaawo iyo Mandhera, oo ku yaala xuduudda Soomaaliya iyo Kenya. Ciidamada Dowladda ayaa aad ugu dhawaaday goobta ay xuduuda dhanka Mandhera kaga sugan yihiin Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, taas oo baqdin ku keentay dadkii xuduuda deganaa, oo ...

Read More »

BALCAD.NET-Aqriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii beesha Mudulood ee Muqdisho

Balcad.net-24-feberaayo-2020-Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay shirka watashiga beelaha Mudulood oo ay ka qeyb-galeen siyaasiyiin kasoo jeedda beesha, oo ay ka mid yihiin madaxwenayaal hore. iyo siyaasiyiin hore oo magaca weyn kuleh dalka,oo xilal kala duwana kasoo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray, Xubnaha la xusi karo ee shirka goobjoog ka ahaa waxaa ka mid ahaa madaxweynayaal hore Cali ...

Read More »

BALCAD.NET- shirka aaya katalinta beelweynta mudulood hiraab oo maanta kasoconaaya magaalada muqdisho,

Balcad.net-23-feberaayo-2020-Waxaa Maanta Ka Furmay Shirka Aaya Katalinta Beel Weynta Mudulood Hiraab ,Waxaa socanaayo Shirkii aayo katalinta Beelweynta Mudulood waxaa goobta joogo siyaasiyiin, duubabka mudulood hiraab Ciidamada Qlabka sida  sarakiisha janaraalada  culimaaudiinka , haweenka iyo dhalinyarada siyaasiyiinta  shirka ayaa looga hadlayaa masiirka dalka iyo doorashada soo socto ee 2021 kadhici doonta dalka soomaaliya,waxaa kamid ah:-dadka ka soo qeyb galay shirka ee ...

Read More »

BALCAD.NET-Faahfaahin ku saabsan DF iyo Qaramada Midoobay oo heshiis kala saxiixday

Balcad.net-23-feberaayo-2020-Dowladda Soomaaliya iyo Barnaamijka Cuntada Aduunka ee loo soo gaabiyo (WFP) ayaa kala saxiixday heshiis is faham ah kaas oo Dalka dhan loogu sameynayo xarumaha digniinaha xilliga hore ee halis- wadareedyada. Wasaaradda Gagaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya oo dadaal xooggan uga jirta maareynta iyo yareynta qattaraha Musiibooyinka ayaa ku guuleysatay in ay qabato mid ka mid ah hal- beegyada ...

Read More »

BALCAD.NET-Dowlada Itoobiya oo war ka soo saartay ‘raali-gelintii’ Farmaajo ee Somaliland

Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay raali-gelintii uu Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu dhowaan ka bixiyey xasuuqii Siyaad Barre ee deegaanada Somaliland. Wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa warbixinteeda todobaadlaha ah ee ‘Week in the Horn’ ku sheegtay in raali-gelinta Farmaajo ay qeyb ka tahay talaabooyinkii u dambeeyay ee loo arkayey is-faham ay labada dhinac gaadheen. Warbixinta wasaarada ayaa ...

Read More »

BALCAD.NET-Axmed Madoobe oo bilaabay qorsho uu uga hortagayo dhaq-dhaqaaqyada Ciidamada DF

Balcad.net-23-feberaayo-2020- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ku hoyday degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa halkaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmadaas, isaga oo kala hadlayay la-dagaalanka Al-Shabaab. Waxaa uu Axmed Madoobe amray Saraakiisha Ciidamada ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada ...

Read More »

BALCAD.NET-Al-Shabaab iyo dadka deegaanka Ceel-Cali oo ku dagaalamay dhagax qaali ah

Balcad.net-23-feberaayo-2020- Wararka naga soo gaarayo Gobolka Hiiraan, Gaar ahaan deegaanka Ceel-Cali ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kaasoo u dhaxeeyey dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo dadka Deegaanka. Dagaalka dhex maray dadka Deegaanka Ceel Cali iyo Al-Shabaab ayaa yimid kadib markii deegaanka lagu arkay Dhagax qaali ah oo dadka deegaanka ay heleen. Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ...

Read More »