Wararka

BALCAD.NET-Madaxweynaha Puntland oo Qado-Sharaf U sameeyay Hogaanka Dhaqanka Gobolka Bari.

Balcad.net-21-December-2019-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qado Sharaf ugu sameeyay deegaanka Jibigalle ee duleedka Garoowe, qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Bari oo maalmahan ku sugnaa Garoowe. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee Dowladda, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, Hoggaanka ...

Read More »

Balcad.net-Uganda oo Taliye Cusub U magacowday Ciidamadeeda Soomaaliya jooga,

Balcad.net-21-December-2019-Warar Naga Soo Gaaraaya ,Uganda Aayaa Sheegaaya, Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay taliye cusub u soo magacowday ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Richard Otto ayaa  loo soo magacaabay Ciidamada Uganda ee joogga Soomaaliya waxaana markan uu xilkiisa yahay Taliyaha guud ee Ciidanka Uganda ka jooga Soomaaliya. Richard Otto, ayaa wax ku soo ...

Read More »

BALCAD.NET-Qaban-Qaabada Xuska Sanadguurada 76-Aad Ee Ciidanka Booliska oo Muqdisho ka socota

Balcad.net-21-December-2019-Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka socota qaban-qaabada munaasabad sannadguurada 76-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed, taas oo la qabto sannad walba maanta oo kale 21-Decembar. Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ka tirsan dowlada oo uu ugu horeeyo madaxweynaha, wasiirro, xildhibaano, taliyayaal ciidan iyo saraakiil ka kala tirsanaa hay’adaha ammaanka dalka. Inta ay munaasabadu socoto ayaa ...

Read More »

BALCAD.NET-Dhalinyarada Gobolka Banaadir oo Yeeshay xarun

Balcad.net-21-December-2019-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa xiriga ka jaray dhismaha xarunta dhallinyarada gobolka Banadir, oo si casri ah loo dhisay. Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir ee dagmada Shangaanni ataa waxaa ka qeyb galay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, madaxda maamulka gobolka Banaadir, dhallinyaro iyo qeybaha kale ee bulshada. ...

Read More »

BALCAD.NET-Puntland oo Laga Xusayo Sanad Guurada Aas Aaskii Ciiddanka Booliiska Soomaaliya

Balcad.net-21-December-2019-Dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta xusaya sanad guuradii 76-aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay ciiddanka booliiska Soomaaliyeed oo ku beegan shalay oo kale sanadkii 1943-kii. Xuska oo ka socda magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, ayaa, waxaa ka qeyb qaadanaya laamaha kala duwan ee ciiddamada booliiska iyo hoggaanadooda. Goobta ay xafladu ka socoto ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, iyadoo ...

Read More »

BALCAD.NET-Shirka Arrimaha Maaliyadda oo ka furmaya Kismaayo

Balcad.net-20-December-2019-Shirka arrimaha Maaliyadda oo u dhaxeeya Wasaaradaha Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Kismaayo ee Jubbaland. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shalay gaaray magaalada Kismaayo oo ka hadlay ahmiyadda shirkaan uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in shirkan uu qeyb yahay shirarka ay soo qaban ...

Read More »

BALCAD.NET-Shacabka Degmada Shangaanni oo Baaq Deg Deg Ah Loo Diray

Balcad.net-21-December-2019-Guddoomiyaha dagmada Shangaanni Aways Sheekh Muxamed Aamiin ayaa uqu baaqay shacabka ku dhaqan dagmada inay dib u dhis ku sameeyaan guryahooda si looga qayb qaato bilic soo celinta caasimadda. Guddoomiye Aways ayaa sheegay in dagmada Shangaanni ay ka midtahay meelaha ugu amniga badan ee caasimadda, bulshadana ku dhaqan degmaduna looga fadhiyo inay dib u dhistaan guryahooda, isla markaana kuwa dalka ...

Read More »

BALCAD.NET-Madaxweynaha Jubaland oo Daah-Furay Shirka Looga Hadlayo Arimaha Dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daah furay shirka wasiirada Maaliyada dalka oo diirada lagu saarayo maaraynta miisaaniyada dadweynaha iyo hanaanka dayn cafinta dalka. Shirkan oo in mudo ah soo socday ayaa waxaa ka qaybgalaya Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Madaxweynaha jubaland Axmed Madoobe ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in dalkeena ...

Read More »

BALCAD.NET-Cabdixakiin Dhoobo-Daareed: Madaxweyne Deni Ma Lahan Dulqaad uu Puntland ku gaarsiin karo dimuqraadiyad

Balcad.net-21- December,-2019 -Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland ayaa sheegay madaxweyne Deni in uusan lahayn dulqaad uu Puntland ku gaarsiin karo nidaamka dimuqraadiyada ee axsaabta badan. Cabddixakiin Dhoobo-daareed ayaa yidhi,” Waxaa nasiib darro ah, madaxweyne hal su’aal oo la weydiiyay xanaaq dartiis ku sigtay inuu dildilaaco oo hoolkii barlamaankii ka baxay inuu dhaho Puntland ayaan dimuqraadiyad gaarsiinayaa.” Mr. Dhoobo ayaa sidoo ...

Read More »

BALCAD.NET-Dowladda oo Sheegtay in Howlgal lagu Diley Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Balcad.net-20-December-2019-Warar nasoo Gaaray Ayaa Sheegaaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howl-gal ay ka sameeyeen Gobolka Jubbada Hoose waxaa la sheegay inay ku dileen Xubno Sar sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab. War kasoo baxay Dowladda soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalaldaas laga sameeyey deegaannada Kaban iyo Baar-Sanguuni,isl markaana ay dileen in ka badan 15 Xubnood oo ay ku jiraan ...

Read More »