Wararka

BALCAD.NET-Xubno Al-Shabaab Ah oo la Sheegay inay Gudaha USoo Galeen Dhuusamareeb

Balcad.net-19-janaayo-2020- Cabsi weyn Oo Laga Dareemaaya Magaalada Dhuusamareeb KadibMarkii La Ogaaday In Dagaal-yahano  ka tirsan  Ururka Al Shabaab ayaa la soo sheegaya in ay gudaha u soo galeen Magaalada Dhuusamareeb, xilli magaalaadaasi uu ka jiro mashquul xoogan oo arrimaha doorashada la xiriira. Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay soo gaartay xog ku aadan in mintidiin ...

Read More »

BALCAD.NET-Ciidanka DANAB oo Howlgal Ku Dilay Xubno ka Tirsanaa Al-Shabaab Kadibna La Wareegay Deegaano cusub

Balcad.net-19-janaayo-2020-– Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ay ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland si wadajir ah uga fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaano ay heysatay Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in howlgalkaasi uu si gaar ah uga dhacay deegaano howd ah oo hoos yimaada magaalada Jamaame ee gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ...

Read More »

BALCAD.NET-Tukiga oo Shaaciyey War Farxad Geliyey Soomaaliya, Kadib Weerarkii Afgooye

Balcad.net-19-janaayo-2020- Dowladda Turkiga oo haatan si weyn u taageerta dowladda federaalka ayaa ayaa ku dhawaaqday war farxad galiyey shacabka Soomaaliyeed, kadib weerarkii shalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu oo si adag kaga hadlay weerarkaas oo lala eegtay Injineero Turki ahaa ayaa sheegay inuu muujinayo markale wejiga foosha xun ee kooxda argagixisada, ...

Read More »

BALCAD.NET-XOG: DF Oo Mucaaradka Kaga Adkaatay Doorashadii Ka Dhacday Dhuusamareeb

Balcad.net-18-janaayo-2020-Dadka siyaasadda falan qeeya ayaa sheegaya in doorashada Galmudug ay u socoto sidii ay u qorsheysay Dowladda Federaalka,islamarkaana hankeeda u muuqdo mid ay ka dhabeyneyso. Shalay doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee uu ku soo baxay guddoonka Baarlamaanka Galmudug Dr, Maxamed Nuur Gacal ayaa gogol xaar u ah doorashada madaxweynaha Galmudug. -Waxaana dadka qaar ee isha ku haya arrimaha siyaasadda ...

Read More »

BALCAD.NET-XOG: Xasan Sheikh & Sheikh Shariif oo Dacwad ka Dhan ah…

Balcad.net-18-janaayo-2020-Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa Beesha caalamka u gudbinaya dacwad ka dhan madaxweyne Farmaajo oo ku aadan doorashada Galmudug. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wada qorshe ay dacwad ugu gudbinayaa madaxweyne Farmaajo oo ay ku eedeeyeen inuu afduubto doorashada Galmudug gaar ahaan doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Labadan mas’uul ...

Read More »

BALCAD.NET-Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Degmada AFGOOYE iyo Khasaare ka Dhashay

Balcad.net-18-janaayo-2020- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Sahabaab weerar dhowr jiho ah ay ku qaadeen degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocdyadiisa kala duwan oo ay qeyb ...

Read More »

BALCAD.NET-Qoysas ku Sumoobay Magaalada Qardho ee Gobolka Bari

Balcad.net-18-janaayo-2020-Ilaa sideed ruux oo ka kooban labo qoys ayaa Jimcihii shalay la dhigay isbitaalka magaalada Qardho ee gobolka Bari, kadib markii ay ku sumoobeen caano ay cabeen sida ay sheegeen dhakhaatiirta isbitaalka magaaladaas. Dadka sumoobay waxa ku jira caruur yar yar kuwaas oo midkood uu markii dambe geeriyooday sida ay xaqiijiyeen maamulka isbitaalka gacanta ku haya xaaladda caafimaad ee bukaannada. ...

Read More »

BALCAD.NET-Warar Dheeraad Aoo Laga Helayo Bambo Gacmeed lagu weeraray Guri…

Balcad.net-18-janaayo-2020-Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ku qaaday Guri ku yaalla Xaafad ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. Xiliga weerarka uu dhacaayay ayaa waxaa la sheegay in Guriga ay ku sugnaayeen Rag iyo Dumar, waxaana Weerarka Bam Gacmeedka ahaa ka dhashay Khasaaro dhaawacyo ah. Ugu yaraan 9 ruux oo kamid ...

Read More »

BALCAD.NET-Madaxweyne Deni oo Weerar Ku Qaaday Dowladda Dhexe

Balcad.net-18-janaayo-2020- Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo kulamo isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland ay ka wadaan Boosaaso ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan tan gobolka Bari. Deni oo weerar dhanka afka ah ku qaaday dowladda federaalka ayaa ku eedeeyey inay dhibaato ka wado gobolkaasi, islamarkaana ay ku mashquulsan tahay arrimaha Puntland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay jiraan ...

Read More »

BALCAD.NET-Weerar Geystay khasaare Xoogan oo Lagu Qaaday Guri Ku Yaalla Magaalada Muqdisho January 18, 2020

Balcad.net-18-janaayo-2020- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar uu khasaare xoogan ka soo gaaray dad shacab ah oo xalay lagu qaaday guri ku yaalla xaafadda Fagax, degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Weerarka ayaa dhacay xilli ay dad badan oo isugu jiray rag iyo dumar ay ku caweynayeen gurigaasi, kuwaas oo la sheegay inay mar weliba isugu imaan jireen ...

Read More »