Wararka

BALCAD.NET-Uhuru Kenyatta oo Amar ka Dhan Ah Al-Shababa Siiyey Ciidamada Kenya

Balcad.net-18-janaayo-2020-Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo ka hadlayey weerarada dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyaan deegaanada gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi ayaa amar ku bixiyey in ciidamada Kenya looga fadhiyo inay sida ugu dhaqsiyaha ah uga jawabaan, uguna hortagaan weeraradaasi. Uhuru oo kulan gaar ah Mombasa kula qaadanayey saraakiisha amniga Kenya ayaa faray inay si deg deg ah wax uga ...

Read More »

BALCAD.NET-Xog: BF oo sharciyo muhiim ah ku meel-mariyey kulamo aan kooramrku dhameyn

BalcadOnline ayaa ogaatay in guddoonka Gaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ka been sheegay kooramka fadhiyadii ugu dambeeyay ee Golaha Shacabka, taas oo ka dhigan in la jebiyay qodobo kamid ah Xeer hoosaadka Golaha Shacabka. Dhowrkii kulan ee ugu dambeeyay waxaa kulamada Baarlamaanka ay ku furmayeen tiro ka yar Kooramkii loogu talagalay oo ah 139 Xildhibaan.Tusaale, kulankii dambeeyay ee Arbacadii ...

Read More »

BALCAD.NET-Wararkii ugu dambeeyey xiisaddii ka dhex oogneyd Jeneral Odowaa iyo Masdile

Balcad.net-17-janaayo-2020-Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage, kulankaas oo ku saabsanaa xaaladda amni ee gobalka Shabeelada Dhexe. Kulankaan oo dhacay maalin kadib markii uu dalka dib ugu soo laabtay Cali Guudlaawe oo ka yimid Turkiga todobaadkii hore, ayaa looga hadlay xiisada ka taagan degmada Raaga ...

Read More »

BALCAD.NET-Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Galmudug oo Maanta Dhaceysa

Balcad.net-17-janaayo-2020-Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka dhacaysa doorshada Guddoonka Sare ee Golaha wakiilada  Baarlamaanka 2-Aad Ee Galmudug. Saddax Musharax ayaa u taagan Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Galmudug, kuwaasi oo kala ah ,Dr. Maxamed Nuur Gacal, Abdinasir Aden Cismaan iyo Cali Shiino. Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada maamulka Galmudug waxaa 24 saac lasoo dhaafay   ka socda olole xoogan oo ay wadaan qaar kamid ...

Read More »

BALCAD.NET-Maxamuud Sayid Aadan oo si qarsoodi ah lagu soo geliyey gobolka GEDO

Balcad.net-16-janaayo-2020-Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si qarsoodi ah habeeno ka hor ku tagay gobalka Gedo. Balcad Online ayaa ogaatay in madaxweynaha uu dhinaca Mandheera ka soo galay dorraad galab, islamarkaana uu hadda ku sugan yahay meel u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Ceel-waaq ee gobalka Gedo.Sidoo kale wararka aan helnay ayaa ...

Read More »

BALCAD.NET-JUBALAND oo kumanaan dollar kaddib soo ceshatay ciidankii uga goostay DF

Balcad.net-16-janaayo-2020-Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowlad gobaleedka Jubaland Maxmaed Axmed Cali ayaa xaqiijiyay in kumanaan dollar ay siiyeen ciidamo hore uga goostay maamulka Jubbaland oo ku biiray dowladda Soomaaliya, kuwaas oo hadda dib ugu soo laabtay maamulka Jubbaland.Wasiirka ayaa sheegay in ciidankaan ay dhibaatooyin badan mareen markii ay ku biireen dowladda Soomaaliya kadib markii ay waayeen dhamaan xuquuqdii ay lahaayeen, ...

Read More »

BALCAD.NET-Tirada shacabka ay dileen Al-Shabaab tobankii sano ee tagay oo la shaaciyey

Balcad.net-16-janaayo-2020-Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan sheegtay inaysan si ulakac ah u beegsan shacabka, hase yeeshee warbixin cusub ayaa shaaca ka qaaday in kooxdan ay gacanteeda ku maqan yihiin muslimiin badan. In ka badan 4,000 oo qof ayaa ku dhintay weerarada kooxda Al-Shabaab tan iyo sanaddii 2010, sida ku cad xog ay ururisay hay’ad ka shaqeysa keydinta khasaraaha ka dhasha xasaradaha dagaalka ...

Read More »

BALCAD.NET-Duqa Degmada Gaalkacyo oo ka horyimid xilka Qaadistii Xaaf

BALCAD.NET-15-JANAAYO-2020-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay soo saarey warqad uu ku sheegay in uu xillakii ka qaadey mas’uuliyiinta Maamulka degmada Gaalkacyo,isla markaana uu kala direy Golaha deegaanka degmadaas,hayeeshee qaar kamid ah mas’uuliyiinta Magaalkada Gaalkacyo ay kasoo horjeesteen. Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay in xilka qaadista Madaxweyne Xaaf aan waxba ka jirin,isla markaana saga uu ...

Read More »

BALCAD.NET-Jubbaland oo sheegtay in howlgal ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Balcad.net-15-janaayo-2020-Saraakiisha amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay faah faahin guud ka bixiyeen howlgallo ka dhacay gobolada Gedo iyo Jubada hoose,kaas oo ay fuliyeen Ciidamada Maamulkaas. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in howlgalladaas ay Ciidamada Jubbaland ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab sidoo kalena qaarkood ay nolosha ku qabteen. Xilli uu Warbaahinta kula ...

Read More »

BALCAD.NET-DF oo Abaal Marin Lacageed ku Dooneysa Shan Qof oo Baxsad ah + Magacyada

Balcad.net-15-janaayo-2020-Dowladda Soomaaliya ayaa baadi goobeysa xubno Al-Shabaab ah oo loo haysto dambiyo culus, kuwaas oo helitaanka akhbaartooda ay lacag ku bixineyso. Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay abaal marin Lacageed ku bixinayaan cidii soo sheegta macluumaadka shaqsiyaad katirsan kooxda Al-shabaab oo ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ku riday xukunno dil ah. Shaqsiyaadkan oo la faafiyay sawirradooda iyo magacyadooda ayaa ...

Read More »